Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 6, 2010

Shiek Shiriif oo u magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida


Sheikh Sheriif Sheekh Axmed ayaa wareegto ugu magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG.


Shiekh Sheriif Sheekh Axmed oo maanta saxaafada la hadlay isagoo ay garbihisa fadhiyaan saraakiisha ciidamada xooga ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyadoona loo magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabista taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay qeyb ka tahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Waxaa halkaasi lagu dhaariyay taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee maanta la magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan iyadoona uu halkaasi ku dhaariyay Wasiiro dowlaha wasaarada gaashaandhiga Indhacadde.

Kadib markii xilkaasi loo dhaariyay taliye ku xigeenka cusub ee Ciidamada Militariga ayaa Makaroofanka lagu wareejiyay isagoona halkaasi ka balan qaaday in uu xilkiisa u gudan doono xi ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi, isagoona saraakiishii ciidamada ee halkaasi fadhiyay ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Arrintan ayaa u muuqaqata in lagu kala jebinayo awoodda kooxda Ahlu Sunnah, iyadoo uu madaxa Ahlu Sunnah ee gobalada dhexe, Macalin Maxamud, uu shalay iclaamiyey inuu heshiiskii lagu saxiixay Addisababa fashilmay. Macalinku waxaa uu mas'uuliyadda fashilka heshiiska dusha ka saaray Sheikh Shiriif iyo maamulkiisa oo lagu eedeeyey inay doonayaan in qaybsiga kurasta lagu saleeyo seddex qaybood.

Weli ma jiraan cid ka tirsan masuuliyiinta Ahlu Sunnah oo k hadashay arintan magacoowga ah.

Dalkayaga@gmail.com






Sheekh Shariif Sheekh axmed Madaxeynaha dowlada KMG ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dhawaan la magacaabi doono Agaasimayaal ay yeelanayaan naafada Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya.







Inkastoo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu maanta sheegay in magacaabistaani ay qeybka tahay heshiiskii ay wada gaareen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ayaa hadana gudoomiyaha guud ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’uud Macalin Xasan oo isagoo ku su gan gobolka Galgaduud Saxaafada la hadlayay waxaa uu shaaca ka qaaday in guud ahaan uu fashil ku dhamaaday heshiiskii lagu waday inay gaaraan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna iyo dowladda KMG.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News