Monday, May 17, 2010

Sheekh Aadan Madoobe oo iscasilay iyo xukuumada Soomaaliya oo dhacday.



Gudoomiyihii Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa maanta isku hor casilay Sheik Shiiriif hortiisa, kadib markii uu sheegay inuu goostay in maslaxada shacabka uu tanaasulo.


Aadan Madoobe ayaa sheegay inuusan raali ka aheyn in hal maalin dartiis uu dalka uu buuq u galo, taasina uu ka door biday inuu tanaasulo sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Shiiriif oo hadal kooban isna siiyay saxaafada ayaa soo dhoweeyay is casilaada Aadan Madoobe, isagoo sheegay in xukuumad cusub uu soo dhisayo, taasoo micnaheeda yahay in ay dhacday Xukuumadii Cumar C/rashiid.

Shirif ayaa ka codsaday Aadan Madoobe inuu ka mid noqdo xukuumada cusub, taasoo micnaheedu yahay in lagu qanciyay inuu ka sii mid ahaado dowladda, maadaama uu iska casilay xilkii Gudoonka baarlamaanka.

Arrintan ayaa u muuqata mid sii hurin karta qalaanqalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xubnaha baarlaamka iyo kooxda ko dhow Shirif.

Dalkayaga.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News