Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, May 19, 2010

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo kulan la qaatay beeshiisa


Wasiirka Maaliyada dowladda Soomaaliya Shariif xasan shiikh aadan ayaa shalay gelinkii dambe kulan gaar ah kula yeeshay xildhibaanada Digil iyo Mirifle Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.


Shariif Xasan ayaa u cadeeyay xildhibaanada Digil & Mirifle inuu isu soo sharaxayo xilka Gudoomiyaha baarlamaanka oo lagu wado in maalmaha soo socda ay doortaan baarlamaanka.

Shariifka ayaa in muddo ahba waxaa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu uga takhalusi lahaa Aadan madoobe oo isniintii iska casilay xilkaas, kadib markii baarlamaanka ay ku kaceen.

Warar qaar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Shariif Xasan ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa, iyadoo uu iska casili doono xilka uu ku magacaaban yahay ee kuxigeenka R/wasaaraha iyo wasiirka maaliyada.

Rajada Shariifka ka qabo hanashada xilkaas ayaa ah mid muuqata, waxaana taageerada uu hada raadinayo ay tahay sidii Digil & Mirifle ay isugu raaci lahaayeen in hal musharax ay yeeshaan, taasoo u sahli karta in Shariifkii shalay ee Baarlamaanka inuu mar kale ku fariisto Kursiga gudoonka baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa xilka laga qaaday sanadkii 2007-dii markii ay isku dhaceen Madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf iyo R/wasaarihiisii xiligaas Cali geeddi, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay isbaheysi la noqday Maxkamdihii islaamiga ee Shiikh Shariif hogaaminayay, kuwaasoo unkay Isbaheysigii Dib u Xoreynta ee lagu aas aasay magaalada Asmara.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News