Wednesday, May 5, 2010

Saraakiil Ciidan Oo Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Dil Loogu Geystay Xalay Gudaha Magaalada Boosaaso


Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaso ee xarunta dhinaca Ganacsiga ee mamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen dilal kala duwan oo loo gaystay qaar ka mid ah Ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saakay bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayan cidii ka dambeysay dilal Ciidamo ka tirsanaa Puntland loogu geystay gudaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Barri.

Galbeedka iyo bariga magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Ammaanka ee Puntland, iyagoo raadinaaya cidii ka dambeysay dilalkaasi ka dhacay magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaan weli cidna u qaban dilalkaasi shalay ilaa xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, iyadoo Ciidamada Puntland ay sheegeen inay faah faahin doonaan saacadaha soo socda howl galkooda natiijada kama dambaysta ah ee ka soo baxda.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News