Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 4, 2010

Ra'iisul Wasaarha Somaliya Iyo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna Oo Si Wada Jir Ah U Shaaciyay In La Soo Aff Jaray Wajigii Labaad


Xili maalintii shalay ahayd ay magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen wafdigii culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca ee muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Muqdisho iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya ayaa waxa kulankaasi faah-faahin ka bixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo gudodomiyaha Guddiga fulinta Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay soo gabagabeeyeen wejigii labaad ee wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac, wuxuuna intaasi ku daray inuu jiro wax xoogaa dib u dhac ah oo ku yimid wadahadllada, wuxuuna oga mahad celiyay masuuliyiinta culimaa'udiinka Ahlu sunna sida ay dulqaadka u muujiyeen intii ay joogeen Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga fulinta culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo isagana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen wejigii labaad ee kulankooda, inkastoo uu qiray in uu jiray dib u dhac ku yimid fulinta qodobadii ay labada dhinac ku heshiiyeen, wuxuuna intaasi ku daray in kulamada kan xiga ay si rasmi ah uga soo saari doonaan war murtiyeed.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, guddoomiyaha guddiga fulinta culimaa'udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca ee gobolada dhexe wuxuu sheegay in ujeedada kulankooda uu ahaa sidii loo xoojin lahaa dawladda uu hoggaamiyo Sheikh Shiriif oo islamarkaana ah madaxa firqadi Al-islax, iyo sidii laysaga kaashan lahaa cadowga gudaha iyo kan dibadda, wuxuuna kula dardaarmay dawladda inay dareento masuuliyadda iyo waajibaadka saaran ee kaga aaddan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News