Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 20, 2010

Qarax lala eegtay ciidamada Amisom.

Faafaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeeysa qaraxa maanta ciidamada Midoowka Afrika lagula beegsaday agagaarka Dekadda weyne ee magaalada Muqisho , iyadoona qaraxa qasaaro uu gaarsiiyey ciidamada Amisom.


Dad goob joogayaal aha ayaa ku waramaya in qaraxa uu ahaa nooca dhulk a lagu aaso lala eegtay ciidamada ka tirsan Midoowka Afrika oo lug ku marayey wadada Laamiga ah ee hormarta Dekada Magaalada Muqdisho.

Xaraakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaasi, waxaanna ay sheegeen in qaraxa ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Amisom waloow tiradooda ay cayimin.

Dhanka kalana afhayeenka ciidamada Midoowka Afrika oo saxaafada la hadlay ka dib markii uu qaraxa dhacay ayaa xaqiijiyey in uu jiro qarax lala eegtay ciidamada Amisom hasa ahaatee waxa uu beeniyey sheegashada Al Shabaab, waxa uuna qasaraha ku sheegay in uu yahay hal askari oo dhimasho ah.

Warar madaxbanaan ayaa ku waramaya in ciidamada Midoowka Afrika ee Amisom markii uu qaraxa dhacay ka dib goobta uu qaraxu ka dhacay xireen iyagoon u diiday dadka iyo gadiidka, waxaana dadka deegaankaasi sheegayaan in ay arkayeeen tiro ciidamada Amisom ka tirsan oo gaariga lagu qaadayo iyo dhiig uu ka socda.


  Kooxda mayalka adag ee Al Shabaab ayaa ciidamada Midoowka Afrika waxa ay kuwadaa qaraxyo inta badan qasaaro gaarsiya Amisom iyadoona horay qaraxyo ay ugu sameyeen ciidamada midoowka Afrika

Dalkayaga@gmail.com.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News