Sunday, May 16, 2010

Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrisay Xaaladda Bini'aadanimo Ee Haysata Qaxootiga Soomaaliyeed


Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ahmed Walad Abdallaha ayaa warbixin uu ka soo saaray xafiiskiisa magaaladan Nairobi ee dalka kenya
wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda bini'aadanimo ee haysata qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in Soomaalidu midoobaan kana baxaan mushkiladda iyo colaadaha.

Ahmed walad Abdallah wuxuu warbixintiisa ku sheegay in 1.4 Milyan oo qof ay ku barkaceen gudaha dalka Soomaaliya, halka 575,000 oo qof oo kalan ay u barakaceen dalalka deriska si ay uga badbaadaan waxyeellada ka soo gaara rabshadaha iyo dagaallada ka soconaya qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay dhammaantood haysato xaalad bini'aadanimo.

Wuxuu sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in saddex milyan oo qof ay si toos ah ugu tiirsan yihiin kaalmada ay bixiyaan hay'adaha gar-gaarka, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay, beesha caalamka iyo dalalka deeqaha bixiya inaanay indhaha ka laaban dadkaasi oo ay gar-gaar u fidiyaan si looga hortago cunno yari, nafaqo darro iyo macluul soo wajahda caruurta qoysaska qaxootiga ah.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ahmed Walad Abdallah wuxuu warbixintiisa ku muujiyay lagama maarmaanimada midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay midoobaan oo ay meel iska dhigaan colaadaha ragaadiyay una soo jeestaan dib u dhiska iyo horumainta dalkooda.

Masuulkaan ayaa ugu danabtynii rajo ka muujiyay in xaalada Somaliya ay sida ka badalmi doonto waxaana uu ugu baaqay dhinacyada Somalida in ay wax un ay isku raacaan oo ay shacabkooda ka daayaan barakaca iyo laynta.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News