Tuesday, May 4, 2010

Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Baarlaamka oo Bilaabay Ciidan Uruursi

Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlaamka ayaa saamayn ku yeeshay deegaanada ay dowladda Sheikh Shiriif maamush oo, sida ay wararku tebinayaan,ay ka taagan yihiin xiisado dagaal.


Maalinimadii Khamiista ayaa ciidamo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxoow dagaal kula wareegeen degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Jawiga degmada Dharkenleey ayaa saaka laga dareemayaa diyaar garow dagaal oo xoog leg. Dhiiladan colaadeed ayaa u dhaxaysa ciidamo kawada tirsanaa dawladda Sheikh Shiriif oo u kala baxay qaab qabiil.

Inta badan waxaa saaka la xiran goobaha ganacsiga ee degmada Dharkenleey, dadka ayaa bilaabay inay iskaga fogaadaan waddada laamiga ah ee ay isku horfadhiyaan ciidanka qabiil ahaanta isku haya.

Xaaladdan dagaal oo haatan u xuub sibatay caaddifad ayaa baqdin ku abuuurtay shacabka degan Dharkenleey oo iyagu aan awalba haysan nabad cago ku taagan. Dad badan ayaa bilaabay inay u qaxaan deegaano kale ooy miciin bidayaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News