Tuesday, May 18, 2010

Prof Dhalxa:Aniga ayaa ah Gudoomiyaha ku Meel Gaarka ee Baarlamaaka

Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamanka dowladda KMG Soomaaliya Brof Maxa’ed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay idacadda Hornafrik ayaa sheegay in isagu uu wali yahay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Dalxa ayaa sheegay in labadii mas’uul ee ay kawada tirsanaayeen gudoonka baarlamaanka ay iyaga si iskood ah isku casileen balse isagu uusan is casilin.
Dalxa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu shaqadiisa qabsado marka uu dalka kusoo laabto.
Hadalka Brof Dalxa ayaa kusoo beegmaya xili ay shaqadii ka tageen gudoomiyihii isaga ka sareeyay iyo midkii ku xigay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News