Tuesday, May 4, 2010

Ninkii Ka Dambeeyey Isku Daygii Qaraxa New York oo La Qabtay


Wakaaladda wararka ee AP ayaa baahisay in la qabtay ninkii ka dambeeyey isku daygii la isku dayey in la qarxiyo bartamaha magaalada New York maalinidii Sabtida.


Ninkan oo lagu magacabo Faysal Shahzan, ayaa asal ahaan kasoo jeeda waddanka Pakistan lakiin haatan haysta dhalashada Maraykanka.

Sida ay AP kasoo xigatay saraakiisha nabad sugidda ee magaalada New York, waxaa lagu qabtay Faysal Shahzan Airportka John F Kennedy isagoo kusii jeeda waddanka Imaaraadka Carabta.

Waxaa illaa hadda an u suuro gelin saraakiisha dambi baarista inay ogaadaan cidda uu xiriirka laleeyahay Faysal Shahzan iyo inuu isaga iskii uu talaabadan u qaaday.

Haddii aad doonayso warkan oo faah faahsan kuna qoran English halkan ka daalaco

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News