Friday, May 7, 2010

Muqdisho:"Saxaafadu waa inay ku dhawaaqdaa Gudoomiye Cusub"Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho:Qaarkamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa canbaareeyey falkii maalin kahor ay saxaafada kula dhaqmeen Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya,falkaas oo yimid kadib markii Saxafiyiinta ay u tageen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlayey,waxaana markii ay goobta tageen ay dhibaato kala kulmeen qaarkamid ah Xoghaynada Gudoomiyaha,sidoo kalena waxaa la jirdilay Qaarkamid ah Saxafiyiintii goobta tagtay.


Xildhibaan Cumar Islow oo xildhibaanada Baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegey in falkaasi uu muujinayo Kheyrul Mas'uulnimada Gudoomiyaha baarlamaanka,wuxuuna xildhibaanu intaas ku daray in Saxaafada loo baahan yahay in la ixtiraamo.

"Waxaan Canbaareynayaa Falalkii ay Ilaalada Aadan Madoobe kula dhaqmeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ay jirdileen,waxayna ahaayeen kuwo muujinayo Aqoon dari aadan & Kuwa la shaqeeyaa,Waxaan dhinacyada kala duwan ee Siyaasada ugu baaqayaa in Saxaafada la xurmeeyo, loona daayo Shaqadooda"Ayuu yiri Xildhibaan Islow.

Xildhibaan Islow Wuxuu sheegey in Waqtigii gudoomiyaha Baarlamaanka ee soomaaliya uu dhamaaday,isla markaasna uu Sheekh Aadan Madoobe la mid yahay Xildhibaanada Soomaalida,wuxuuna sheegey in Saxaafada looga baahan yahay inay ku dhawaaqdo Gudoomiye Cusub.

"Waqtigii Aadan madoobe wuu dhamaaday,waana Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan,marka Saxafiyiinta Waxaa looga baahan yahay inay Gudoomiye Cusub u Caleema Saartaan xilkan,si ay u helaan Dad tixgelin u sameeya oo shaqada ku ilaaliya"Ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News