Tuesday, May 25, 2010

Mudanayaasha Baarlamaanka ee raba inay Qabtaan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu soo kordhaysa

Waxaa soo kordhaya Xildhibaannada u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka , kuwaasi oo doonaya inay qabtaan jagada Gudoomiyaha Barlamaanka , kadib Markii uu xilkaasi iska casilay Sheekh Aadan Madoobe.


Tirade xubnaha u taagan inay qabtaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka  ayaa la sheegay inay gaarayaan 4-Xildhibaan oo uu ku jiro Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan, iyadoo mudada araajida xilkaasi loo tartamayo ay ku egtahay maanta Gelinka Dambe.

Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa sheegay in afarta mas'uul ee isku soo taagay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka inay kala yihiin: Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdi Xaashi C/llaahi, Sheekh Axmed C/llaahi Fanax iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo dhamaantood ah Xildhibaano Baarlamaanka  ah.

Sidoo kale Jagada Gudoomiye ku xigeennada ayaa la sheegay inay haatan isku diiwaan geliyeen 8-qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka, waxaana guddiga uu sheegay in maalin dheeri ah ay ku dareen qabashada araajida.

Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa horay u sheegay inay sharci darro tahay isagoo aan iscasilin in loo tartamo xilka uu ka hayo Baarlamaanka , wuxuuna sheegay inuusan isagu xilka iska casilin uuna weli hayo jagadaasi.

Dalkayaga@gmil.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News