Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, May 26, 2010

Meydadka wiilal dhalinyaro ah oo lagu arkay degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

Meydadka labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa saaka waxaa lagu arkay xafada Siliga Ameerikaanka ee Dgamada wadajir ee Gobolka Banaadir iyadoona wali meydadka dhalinyradaasi goobta la soo dhigay.


Saaka marka uu waaga bariyey ayaa qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ,waxaa ay la kulmeen labo wiil oo meyd ah oo yaal meel wada ah islamarkaana jirkooda ay ma muuqato rasaasta lagu dilay dhalinyaradaasi.

Dadka deegaanka ayaa buuxsamay goobta meydadka ay yalaan , waxa ayna dadku daawanayaan meydadka hasa ahaatee ma jirto ilaa iyo haatan cid aqoonsatay meydka wiilasha dhalinyarada ah.

Dadka ku nool agagaarka goobta lagu dilay dhalinyarada ayaa sheegaya in habeen barkii xalay ay maqleen rasaasta lagu dilay dhalinyarada hasa ahaatee lama oga cid ka danbeyesa dilka dhalinyrada iyo sababaha loo dilay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News