Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, May 19, 2010

Maxkamad Ku Taalla Maraykanka Oo Xarig 17 Sano Ah Ku Xukuntay Eedeysane Cabdi Laahi Cabdi Qaadir Muuse

Maxkamad ku taalla wadanka Maraykanka oo waayadii u dambeysay qaadaysay dacwad ka dhan C/laahi C/qaadir Muuse oo ah wiil somaliyeed oo lagu eedeeyay burcad badeednimo oo ay ciidamada Badda
Maraykanka ka soo qab-qabteen xeebaha dalka Soomaaliya xilli ay qafaasheen dooni ay la socdeen muwaadiniin Maraykan ah oo maraysay xeebaha dalka Soomaaliya ayaa go,aan ka gaartay kiiska wiilkaas.

Maxkamadda ayaa markii ay dhagaysatay caddaymaha la hor geeyay ee ka dhanka ah C/laahi C/qaadir Muuse, iyo qiraal uu sameeyay eedeysanaha ayaa waxa ay gaartay go’aan ay 17 sano oo xarig ah ugu xukumeyso wiilkaasi dhallinyarada ah oo laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009.

Garsoore ka tirsan maxkamadda qaadaysay dacwaddan ayaa waxa uu sheegay in eedeysanaha ay u furan tahay inuu racfaan ka qaato go’aankaasi tan inta laga gaarayo bisha September ee sanadkan, wuxuuna intaasi ku daray in haddii muddadaasi la gaaro uu si toos ah u dhaqan geli doono xukunka ay maxkamadda ku ridday wiilkaasi dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News