Tuesday, May 25, 2010

Markabkii Soomalida u rarnaa ee dagay oo ay ku khasaartay lacag ku dhow $7million

Cabdi Faarax dubad oo ah wakiilka markabkii Soomaalida u rarnaa ee dhowaan ku quusay bartamaha badweynta India oo la hadlay Hornafrik ayaa sheegay in hantida ku qasaartay markabkaasi ay ku dhowdahay 7-milyan oo doolarka mareykanka ah, waxa uuna sheegay in markabku uu waday badeeco isugu jirta gawaari iyo bagaash.



Wakiilka ayaa sheegay in inkastoo shaqalihii saarnaa markabka la badbaadiyay hadana lagu guuleysan waayay in labadbaadiyo hantidii saarneyd markabka, waxa uuna sheegay in badbaadinta shaqaalaha uu gacan ka geystay markab laga leeyahay dalka Britain.

Markabka oo kasoo dhaqaaqay dekedda magaalada Cajmaan ee isutagga imaaraadka carabta kuna soo jeeday dekedda caalamiga ah ee magalada Muqdisho ayaa 23-kii bishan ku quusay meel 150-mayl u jirta dekedda cajmaan, kadib markii ay ku yimaadeen duufaano xog badan oo uu awoodi waayay markabka in uu ka baxsado.

Markii ay soo bexeen wararka sheegaya in uu quusay markab ganacsato Soomaali ah u rarnaa ayaa waxaa Hornafrik lasoo xiriiray hogamiyaha ururka Xisbul-islaam Sheekh xasan Daahir Aweys oo ganacsatada Soomaalida kaga digay in ay soo rartaan marakiib duug ah o aan wax ceymis ah ku jirin.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News