Monday, May 3, 2010

Maraykanka Oo Ka Maagtay In Bomkii Laga Helay Bartamaha Magaalada News York Ay Ka Danbeeyeen Ururka Al Qaacida


Masuuliyiin sare oo u hadlay dowlada maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujineysa in Bomkii maalintii Sabtida ahayd laga helay gaari la soo dhigey Bartamaha New Yor ee Time Square, in ay ka danbeeyeen shabakada al-Qaacida ee sida weyn ula dagaalanta wadamada reer galbeedka.


Masuuliyiintan Maraykanka ah ayaa sheegay baaritaan dheer oo ay sameeyeen kadib in ay ku ogaadeen in qaraxaas ay ka danbeeyaan dad kale oo la tuhunsanyahay lakiin ay cadayn doonaan marka ay baaritaanka ay hayaan ay soo dhameeyaan.

Hadalka masuuliyiinta Maraykanka ayaa waxaa uu ka hor imaanayaa hadal ka soo yeelay Hogaamiyaha Talibaanka Pakistan maalintii shalay ahayd kaasi oo soo saarey Video ay ku sheeganayaan in ay qaraxaas iyagu soo dhigeen halkaas isla markaana ay u aargudayaan, labadii hogaamiye ee dhawaan looga diley dalka Ciraaq. Sida laga soo xiganayo Madaxa Booliska New York, Ray Kelly, ma jirto sheegashadooda wax caawinaaya ama muujinaaya ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee Booliska ayaa baadigoob ugu jira nin la sheegay in uu yahay dadka Caddaanka ah isla markaana qiyaastii 40 jir ah, kaas oo goobta Bomka la soo dhigay ka baxsadey, waxaana uu isla goobta isaga badalay shaati sida Video-ga ku xiran jidka laga helay.

Maalintii shalay ayaa booliska New York waxaa lagu wargeliyey gaari looga shakiyey in bom ku xiran yahay in la soo dhigey meel dadku aad ugu badan yahay magaalada New York, waxaana gaarigii laga heley Bom iyo 19 litir oo bensiin ah iyo saacadaha xisaabiya waqtiga bomku qarxaayo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News