Thursday, May 6, 2010

Malaayiin Shacabka Wadanka Britain Ah Oo Maanta U Dareeray Doorashooyinka Madaxtinimada


Malaayiin ka tirsan shacabaka wadanka Britain ayaa maanta la filayaa in ay u dareeraya cod bixinta doorashooyinka madaxtinmada ee wadankaasi,iyadoona maalinimadii shalay ay soo dhamaatay olole ay mudo asbuucyo ah ka wadeen wadankaasi sadexda xisbi ee ku tartamaya doorashooyinka wadankaasi Briten.



Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in guud ahaan wadanka Britain ay shacabka wadankaasi ay cododkooda ka dhiibtaan in ka badan 42,000 oo ah goobaha cod bixintu ay ka dhacayso ah kuwaas oo amaankooda si weyn loo adkeeyay.

Raysal wasaaraha Britain Gordon Brown ayaa waxaa uu sheegay intii uu ku jiray ololaha doorashada in uu yahay xisbigiisa kan kaliya ee ku guulaysanaya talada Britain,laakiinse madaxa xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sheegay in ay iyagu yihiin kuwa kaliya ee shacabku doonayan.lagana sugayo isedel.

Gordon Brown, David Cameron iyo Nick Clegg aya ahaa maalmihii aynu soo dhaanay kuwo dhinaca dooda si weyn ugu kala fakir duwan,iyadoona midba midka kale ceebtiisa dhinaca doorashada uu soo bandhigayay.

Shacabka badan oo ku nool wadanka Britain gaar ahaan kuwa soo galootiga ayaa cabsi ka qaba in ay doorashada ku guulaystaan xisbiga Conservative-ka ee uu hogaaminayo David Cameron,iyadoona xisbigaasi yahay mid kala sooci kara sida ay sheegeen dadyowga ku nool wadankaasi.

Lakiin qiimayn la sameeyay oo dhanka doorashada ah ayaa la sheegay in ay u egtahay in doorashadaan ay noqon doonto mid aanan waxba la is dheeraan oo la soo dhisi doono dowlad wadaag ah oo ay u dhanyahiin xisbiyada


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News