Sunday, May 16, 2010

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Xilliga Rasmiga Ah Ee Ay Qabsoomayso Doorashooyinka


Madaxweynaha maamulka Somaliland Mr Daahir Riyaale Kaahin ayaa wareegto uu kasoo saaray Xafiiskiisa ku ansixiyey xilliga doorashooyinka madaxtinimada ee ka dhici doonto Somaliland.


Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo tixraacaya qodobka 90-aad ee Dastuurka Somaliland farqadiisa 8-aad ee Xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Madaxtooyada Somaliland,wuxuu go’aan kasoo saaray wareegto ogolaasho ah taas oo ku sabsan waqtiga doorashooyinka madaxtooyada ay go’aamiyeen guddiga doorashooyinka qaranka oo ku beegan 26-ka Bisha June ee soo socota.

Dhowaan guddiga doorashooyinka ee maamulka Somaliland oo War Saxaafadeed soo saaray ayaa ku dhawaaqey xilliga la qabanaayo doorashooyinka madaxtinimada oo ay ku shaaciyeen inuu dhacaayo 26-ka Bisha June.

Maalmihi laga soo gudbay ayaa gobolada maamulka Somaliland waxaa ka socday diyaar garowga doorashooyinka ayadoo la bilaabay kaararka Codbixinta doorashooyinkaasi looga qeyb qaadanayo.

Doorashooyinka madaxtinimo ee la filayo in ay ka dhacaan deegaanada maamulka Somaliland ayaa horaan waxaa ka taagnaa mudan iyo isqabqabsi waxaana tiro ka dhowr jeer baaqday oo dib u dhac uu ku yimid doorashooyinkii la filayay in ay ka dhacaan deegaanada maamulka la baxay Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News