Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, May 17, 2010

Madaxda Puntland oo Digniin adag u Diray Somaliland


Maamulka Puntland ayaa Markii ugu Horaysay somalilanad uga digay in Kaararka Codbixinta la keeno Meelo ka mid ah Puntland ,gaar ahaan Gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo shir ku yeeshay Xalay Madaxtooyada Magaalada Garowe ayaa Soo saaray Baaq ku aaadan Doorashooyinka Somaliland ka dhacaya.
Waxaa lagu sheegay Baaqaasi in Puntland aysan aqbali doonin in kaararka Codbixinta Doorashada Somaliland la soo Gaarsiiyo Meelaha Puntland ay Maamusho.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdi Qani Salaad Gurey oo Maanta shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Maamulku uu qaadayo Talaabooyin Muhiim ah hadii lagu soo xad Gudbo.
Waxaa kaloo uu tilmaamay in Madaxwayne Faroolle uu Madax ka tirsan Somaliland kala hadli doono khilaafka arintan ka dhashay,isagoo ka digay in Lagu xad Gudbo sharciyo dhowr ah oo dowlada u yaala.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in La Gubbi doono Kaararka Codbixinta Somaliland hadii la soo gaarsiiyo meelo ka mid ah Puntland,isagoo sheegay in Degmada Badhan la Gayn doono Ciidamo arimahaasi ka hortaga.
Maalmo kahor Ciidamo ka kala tirsan Dhinacyda Puntland iyo Somalialnd ayaa kala qabsaday Gawaari ,Waxaana arintaa ay sababtay in khilaafka uu sii xoogaysto.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News