Thursday, May 20, 2010

Madax arrimaha dibada SSC Maxmuud Cali Jaamac ayaa casuumad shirka Turkiga

Madax arrimaha dibada SSC Maxmuud Cali Jaamac ayaa casuumad ka helay qaban qaabiyaasha shirka caalamiga ah ee Soomaalida loogu qabanayo Dalka Turkiga.


Shirkan oo  ay qabanqaabadiisa leedahay qaramada midoobay iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumay dhamaan maamulada ka jira dalka Soomalaiya sida Puntland, Hargeysaland , Galmudugland, SSCland iyo dawladda ku meel gaadhka.

Waxaana lagu falanqaynayaa sidii xal loogu heli lahaa mashaqada ka taagan guud ahaan dalka Soomaaliya, waa markii ugu horaysay oo madaxa arrimaha dibadda SSC uu ka qayb galo shir caalamiya iyada oo ay ku soo beegmayso xilli deegaanka SSC ay arrimahooda siyaasada iyagu maamulanayaan , maamulada ay hormuudka ka yihiin beelaha Hargeysa Iyo Garoowe ay sii wiiqmayaan raadka ay ku leeyihiin amuuraha SSC.

JIdbaale.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News