Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 6, 2010

Macalin Maxamuud "Ahlusuna Way ka Baxday Heshiiskii Ay Dowladda KMG Ah La Galeen"


Ururka Ahlusuna ayaa ka baxay heshiis ay dhawaan Itoobiya kulasoo galeen dowlada KMG kaas oo dhigayay in labada dhinac midoobaan islamarkaana Ahlusuna Wasiiro lasiiyo.



Gudoomiyaha Ururka Ahlusuna Macalin Maxamuud ee goibolada shexe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in Ahlusuna ay ka baxday Heshiiskii Addis Ababa dalka Itoobiya wixii hadda ka damabeeyana ay Aayaheeda ka tashanayso.

Macalin Maxamuud wuxuu sheegay in Dowlada KMG ah ay khiyaantay Ahlusuna islamarkaana ay dhinac sedaxaad oo hogaamiya kooxeedyo u badan ay heshiiska dhinac kasoo gelisay islamarkaan ay yastay Ahlusuna sida uu Macalin Maxamuud Hadalka u dhigay.

"Umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegaynaa in uu burburay Heshiiskii aan Dowlada KMG ah lagalnay, dowlada kMG ah ayaa heshiiskaas ka baxday waxay ku kacday wax aan ku wanagaasanayn xeerarka ladhigto"ayuu yiri Macalin maxamuud.

Hogaamiyaha Ahlsuuna ayaa madaxda dowlada KMG ah si cad ugu eedeeyay in ay iska waynaysiiyeen madaxdii Ahlusuna ee Muqdisho gaaray islamarkaana ay kala qaybiyeen Ururka Ahlusuna.

"Heshiiskii Addis Ababa in uu hirgalo ayaan rabnay laakin waxaa noo muuqatay in Dowlada KMG ah kala qaybin ku waddo Ahlusuna, madoonayno in aan si toos ah u sheegno magacyada dadkaasi laakin waxaan sheegaynaa in Ahlusuna khiyaamo loo maleegay"ayuu warkiisa sii raaciyay macalin maxamuud.

Warkan dhiilada ah ee kasoo yeeray Ahlusuna ayaa yimid kadib markii Dowlada KMG ah hoos u dhigtay Wasiiradii ay siin lahayd Ahlusuna isbuucyo ka dib markii Xarakada Al Shabaab ay wiiqday Awoodii Ahlusuna oo ay dagaal kula wareegtay deegaano badan oo dhaca Bariga G/gaduud.


Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News