Monday, May 3, 2010

Maamulka Gal-Mudug iyo culumaa’udiinka Ahlu sunna oo sheegay in weerarayaan Xaradheere


Sheekh Cumar Jimcaale Afrax oo ka mid ah culuma’diinka Ahlu sunna waljameeca ee gobalka Mudug oo xariir lasoo sameeyay idaacada Hornafrik ayaa sheegay in ciidamadooda hada ay u diyaar garoobeen sida ay dagaal ula gali lahaayen ciidamada Xisbul islaam oo shaley la wareegay gacan ku heynta degmada Xaradheere ee gobalka mudug.


Sheekh cumar waxa uu sheegay in ciidamadooda hada ay ku sugan yihiin meela an ka fogeyn bariga iyo qalbeedka degmada xaradheere ee gobalka mudug, diyaarna ay u yihiin in ay galaan magaalada.


Dhinaca kale talayiha guud ee ciidamada gal mudug korneyl C/laahi Cirro oo hadda ku sugan maagalada Muqdisho oo xalay la hadlayay qaar ka mid ah idaacadaha gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay talaabo ka qaadayaan ciidamada Xisbul islaam ee soo gaaray magaalada Xaradheere ee gobalka mudug.


Ciidamada Xisbul islaam ee shaley gaaaray magaalada Xaradheere ayaa wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in ay soo saaren amaro ay ku joojinayaan isticmaalka waxyaalaha maanka dooriya ee magaalada Xaradheere.


Dhinaca kale saraakiisha ururka Xoisbul islaam ee shalay gaaray magaalada Xaradhere ayaa kulamo la qaatay odeyaasha iyo wax garadka magaalada, iyagoo kawada hadlay arimaha amniga iyo mamulka cusub ee soo gaaray magaalada.Waa markii ugu horeysay oo mid ka mid ah shanta degmo ee u ka kooban yahay gobolka Mudug ay la wareegan ciidamo ka tirsan ururka Xisbul islaam.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News