Saturday, May 22, 2010

Laascaanood Oo Kacsan Iyo Beebeeyo La Geliyay Gudaha Magaalada-

Dabaabado iyo Tikniko ayaa dhooban badhtamaha magaalada Laascaanood, iyadoo ay tiro beesahy shacabka xabsiyada loo taxaabayaa
Magaalada Laascaanood ayaa kacsan iyadoo gaadhay heerkii ugu sareeyay ee dareenka shacabka magaalada Laascaanood ay kaga soo horjeestaan joogitaanka ciidamada Maamulka la Baxay Somaliland ee deegaamada SSC.

Waxaa yaala badhtamaha Goolada Laascaanood Beebeeyo iyo Baroomo, waxaa suuqa hoganaya ciidamo aad u tiro badan, waxaana si wayn isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa shacabka magaalada.

Waxaa saaka mar ay booqtay Shabakada wararka ee Lasanod Online saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood ay aragtay shacab aad u tiro badan oo ku jira saldhigaas, kuwaasoo u badan dumar iyo Carruur.

Habeenimadii xalay mudaharaadadii magaalada ka dhacay ayaa shacabku waxay gubeen goobo badan iyagoo sidoo kale ku gubay wadada Laamiga Taayiro,waxaa saaka halkiisii kasii bilowday mudaharaadadii waxaana ciidamadu dadka hoos ugu dhigayeen rasaas aan lookala aabe yeelayn ciroole iyo caydi.

Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan iyadoo afar goobood oo magaalada gudeheeda ku yaal ayaa noqdeen Gaas ciidan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo kasoo jeeda SSC ayaa saaka usoo ruqaansadeen dhanka duleedka magaalada kuwaasoo oo uu hogaaminayo Faysal Falaalug. Iyadoo arrintana ay walaac xoogan kusii abuurtay maleeshiayada Maamulka La Baxay Somaliland.

Xigasho: Lasanod.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News