Sunday, May 23, 2010

Isu socodkii dadka iyo gadiidka B/weyne oo hakad galay ka dib Markii Buuntada Liiq Liiqato ay go,day

Wararka laga helayo magaalada B/weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in saaka uu hakad ku jiro isku socodkii Gadiidka iyo Dadweynaha ee magaalada B/weyneka dib markii shalay galab ay go,aday Buuntada Liiq-liiqato ee isku xirta xaafadaha Galbeed iyo bari ee Magaladaasi B/weyne.

Go'itaanka Buuntada ayaa waxa ay ka danbeeysay ka dib markii uu maray gadiid nooca loo yaqaano Inataree ee uu xamuul tan badan saarnaa kaasi oo ay la go,day Buuntada.

Waxa lagu waramayaa in Gaarigaasi uu ka badbaaday go,idi buunatada hasa ahaatee waxaa ku dhintay dadka badan oo xiligaasi dul marayey Buunatadaasi Liiq-liiqato ee magaalada B/weyne ee Gobolka hiiraan.


Ciidamo Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaan ayaa lagu waramayaa in saaka ay dul joogaan buuntada hasa ahaatee ma jiro cid haatan isku howleeysa dib u habeenta buuntadaasi.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News