Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, May 5, 2010

Is Ugaadhsiga Kooxaha Alshabaab iyo Xisb Islam oo sii Xoogaysatay


Kooxo Hubaysan ayaa saaka toogasho ku dilay Sarkaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo ku sugnaa deegaanada lagu Barakacay duleedka magaalada Muqdisho oo ay Xisbigu maamulaam.


Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Xaawa Cabdi ayaa xaqiijinaya in saaka aroortii ladilay Taliyihii Ciidanka amaanka maamulka degmada Lafoole oo lagu magacaabi jiray c/waaxid xuseen xasan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maleeshiyada Hubaysan ay toogteen xilli uu kasoo baxayay masjid uu ku dukaday Salaadii Subax ee saaka, taliyaha latoogtay ayaa caan ka ahaa duleedka Muqdisho.

Dilkan ayaa waxay Xisb Islam ku farta ku fiiqaysaa inay ka dambeeyeen kooxda loolanka way u ka dhexeeyo ee Alshabaab. Markii ugu horaysay ma aha ee Alshabaab ay khaarijiso sarakiil ka tirsan Xisb Islam oo hadda u muuqda inuu iska indho tiro dilalka loo gaysay xubnaha ka midka ah xisbiga.

Ciidamo hubaysan oo katirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa saaka baarirtaano ka wada deegaanada lagu barakacay waxayna isku dayayaan in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkaasi gaystay. Dilkii loo gaystay Barre Cali Barre ayaan illaaa hadda waxba laga qaban marka laga reebo farta lagu godayo Alshabaab.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News