Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 27, 2010

Hey'adda Qaxootiga Ee UNHCR Eo Dadka Somalida Ah Ee Ku Xaniban Wadanka Greega Magan Galyo Oga Dalabtay Wadamada Kale Ee Reer Yurub

Kulan looga hadlayey xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Greece ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Athenis ee dalka Gariiga kaasoo dhex maray Hey'adda Qaxootiga u qaabilsan QM iyo Xafiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Greece.


Shirkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliyed ee Greece in diirada lagu saarayey sidii Soomaalida magangelyo doonka ee soo mara Greece magangelyo ugu heli lahaayeen wadamada kale ee Yurub.

Mas'uulkan madaxda ka ah xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Greece marka ay soo galaan muhaajiriinta Soomaaliyeed faro ay ka qaato, taasoo caqabad ku noqotay dadka Soomaaliyeed oo marka ay galaan wadamada kale ee Yurub dib loogu soo celiyo dalka Greece-ga.

Ilyaas Cali Xasan wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay caqabad ku tilmaantay go'aanka ay Dowladda Greece ay faraha ugu qaadeyso muhaajiriinta Soomaaliyeed, iyadoo aysan jirin nolol wanaagsan ama shaqooyin ay ka helaan dalka Greece, taasna wuxuu tilmaamay in ay ku dadaali doonaan sidii ay meesha ugu bixin lahaayeen go'aanka Dowladda Greece.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News