Wednesday, May 12, 2010

Hay'ada Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday In La Soo Dhaweeyo Barakacayaasha Ka Imaanaya Koonfurta Soomaaliya


Hay'ada UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay oo looga hadlayay arimahaSoomaaliya, gaar ahaan dadka ka barakacay Dagaalada Soomaaliya kasocda soo saartay ayadoo Aduunwaynaha ugu baaqday in la soo dhaweeyoBarakacayaasha Soomaaliya.


UNHCR waxay dunida ka codsatay in lasoo dhaweeyo Soomaalida qaxootiga ah ee ka soo cararaya Koonfurta iyoBartamaha Soomaaliya kuwaasoo doonaya in qaxooti ahaan loo qaabilo

"HadiiXittaa dadkaasi aysan ka soo bixin shuruudihii qaxootinimo ee la dhaqangeliyay sanadkii 1951-dii, waxaan leenahay Soomaalida hala soodhaweeyo gaar ahaan kuwa ka soo barakacaya Koonfurta iyo BartamahaSoomaaliya" ayaa lagu yiri Warbixinta Hay'ada UNHCR-ta ka soo baxday

Hay'adaUNHCR warbixinteeda ayaa sidoo kale lagu kala qaaday dadkabarakacayaasha ee ay dalbanaya in la siiyo aqoonsi qaxootinimo, waaynahay'adu si gaar ah u dalbaneysaa in qaxootinimo loo aqoonsado.

Warbixintaan ay soo saartayHey’adda UNHCR ayaa lagu dhaliilay Xoogagga isku diririya Soomaaliya inay dadka iyaga ka soo horjeeda ku kalifaan inaybarakacaan ayaga o markaasi ay cadaadis badan saaraan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News