Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, May 29, 2010

Garoowe:Ethiopia oo si rasmi ah Safaarad uga furatay Garoowe.

Dawlada wadanka Ethiopia ayaa maanta si toos ah waxay magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ka furatay Qunsuliyuad rasmi ah oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada
 dhinac & sahlida howla Ganacsi,Safar & wadashaqeyneed ee labada xukuumadood,waxaana ay Ethiopia ku dhawaaqday inay safaaradani waxbadan oo shaqo ah ka qaban doonto caasimada Puntland.

furitaankii Safaaradan oo ay kasoo qeybgaleen wasiiro badan oo kasocda dawlada Puntland & Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,ayaa waxaa sidoo kale joogay safiirka cusub ee Ethiopia u joogi doona Puntland & saraakiil sar sare oo katirsan wasaarad Arimaha Dibada ee dawlada Ethiopia oo safaradan sida toos ka ah u furtay.

Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland ayaa kamid ahaa wasiiradii maanta Xafladii furitaankii safaradan hadal kooban kasoo jeediyey,wuxuuna sheegey in Shacabka reer Puntland ay aad u anfici doonto safaarada Cusub ee ay Ethiopia ka furatay magaalada garoowe ee Caasimada Puntland,wuxuuna sheegey in uu rajeynayo inay waxbada ka badai doonto xiriirkii labada dhinac ayna fududayndoonto dalkugalka Ethiopia oo imika ay aad u adagtahay in lahelo.

Safiirka uqaabilsan Ethiopia deegaanada Puntland ayaa isna halkaas ka hadlay,wuxuuna sheegey inuu salaan khaas ah uu shacab weynaha & dawlada reer Puntland uga wado Wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia Atto,Siyoum Musfin & madaxda wadankaas,waxaana uu sheegey inay madaxdaasi ay ku faraxsan yihiin furitaanka safaaradan,wuxuuna sidoo kale safiirku sheegey in ay Ethiopia markasta wanaajinayso xiriirka reer Puntland & iyaga ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isla markaasna ah kusimaha madaxweynaha Puntland Gen,Cabdisamed Cali Shire ayaa isna maanta xafladaas ka hadlay,waxaana uu sheegey in Puntland ay ku faraxsantahay in safaarada oo si rasmi ah xariga looga jaray,madaxweynuhu wuxuu sheegey in ay Salaanta ay soo direen madaxda Ethiopia mid lamid ah u dirayaan,wuxuuna u hambalyeeyey xisbiga E.P.R.D.F oo dhawaan markale ku guulaystey doorashadii Ethiopia isla markaasna u dabaaldagaya sanadkii 20-aad ee kasoo wareegey waqtigii ay xilkan ka qabsadeen maamulkii ka horeeyey oo ay si awoodi ku jirto uga qaadeen talada wadanka Ethiopia.

Xaflada oo bilowgeedii hore ay ka dhacday Aqalka wasaarada Qorsheynta ee Puntland,ayaa dhamaan madaxdii kasoo qeybgashay xaflada & shacab weyne aad u badan waxay lug ku tageen Aqalka safaarada ay Ethiopia ka dhigatay halkaas oo uu madaxweyne xigeenka Puntland xariga ka jaray,waxaana ay Ethiopia labadiisano ee u danbaysay saraakiil dhanka amaanka ahi u joogeen magaalada garoowe ee caasimada Puntland,balse maanta ayey si rasmi ah ugu dhawaaqday inay safaarad ka furatay caasimada Puntland ee Garoowe.


Source: APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News