Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 25, 2010

Ganacsiga Baladweyne oo gaabis noqday

Waxaa gaabis noqday ganacsiga magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan marki ay awoodi waayeen gaadiidka keena xamuulka iyo kuwa badeecada ka qaada Baladweyne ay soo gudbi waayeen Magaalada.


Wararka ayaa sheegaya in shalay ilaa iyo maanta aaney magaalada soo galin baabuurta badeecada keeni jirtay magaalada iyo kuwa ka qaadi jiray intaba.

Arrintan ayaa ka danbeysay ka dib burburki ku yimid buundad Liiq liiqato ee magaalada taasoo laba u kala jabtay Sabtidi lasoo dhaafay.

Wariyaasha ku sugan halkaasi waxay sheegayaan in ay saameyn ku yeelatay buundada guud ahaan dadka magaalada gaar ahaan ganacsatada, beeraleyda iyo xoola dhaqatada intaba.

Kasokow gaadiidkaasi, waxaa si aad ah ay u saameysay bur burka buundada dadka oo bilaabay in ay isaga kala gooshaan doonyo si ay u gaaraan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa labada dhinac ee Webiga kuwaas oo sugaya doonyahan oo ah kuwo ay dad gaar ah leeyihiin isla markaana lagu raacayo lacago sida gaadiidka BL-ka oo kale.

Buundada Liiq-Liiqato waxay isku xiri jirtay labada daraf ee magaalada waxaana mari jiray baabuurta ganacsiga.

Baladweyne ayaa waxaa laga qaadi jiray xoolaha nool oo loo iib geyn jiray Ethiopia, Puntland iyo Somaliland.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News