Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 4, 2010

EU-da oo Lacag ugu Deeqday Qaxootiga Somalida ee Keyna ku nool.

Midowga reer Yurub ayaa sheegay in lacago kaalmo ah uu ugu deeqi doono dadka Soomaalida ee qaxootiga ku ah wadanka Kenya.


Lacagahan uu balan qaaday Midowga Yurub ayaa waxaa ay dhan tahay saddex milyan dollar oo loogu tala galay in lagu xoojiyo barnaamijyada wax loogu qabanayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeerada Dhadaab ee dalka Kenya.

Xerada qaxootiga ee Dhadaab ayaa hada waxaa ku jira tiro aad uga badan midii loogu tala galay oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Hey'adaha samafalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ka baxsaday dagaalada gudaha Soomaaliya ee dibadaha qaxootiga ku ah.

Midowga Yurub ayaa wuxuu sheegay lacagahan deeqda ah in ay ugu tala galeen sidii loogu caawini lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee dhibaateysan ee ku dhaqan wadanka dariska ah ee Kenya.
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News