Monday, May 3, 2010

Ethiopia Oo Gacanta Ku Dhigtay 10 Nin Oo Ereterian Ah Oo Qaraxyo Ka Maleegayay Gudaha Ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ilaa 10-nin oo ay sheegtay in ay qorsheenayeen in ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Ethiopia.


Wasiirka War faafinta ee dowladda Ethiopia Barakat Simon ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee wadakaasi ay qabteen 10-nin oo uu sheegay in laga soo diray dhinaca dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay in ragaasi oo sida uu yiri ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab balse dhalashadoodu tahay Eretarian ay hubaysanaayeen islamarkaana ay qorsheenayeen in ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Ethiopia marka la qabanayo doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee la qorsheenayo in Ethiopia ay ka dhacaan 23-ka Bishan May ee aynu ku guda jirno.

Waxa uu intaasi ku daray in ragaasi ay wataan jinsiyado kala duwan oo ay Somali ku jirto waxaana uu tilmaamay in dadkaas qaarkood laga soo qabtay Xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ayadoo dowladda Eritrea ay u soo dirtay in ay carqaladeeyaan doorashooyinka Ethiopia.

Hadalkani ka soo yeeray dowladda Ethiopia ayaa imaanaya xilli Mucaaradka dalka Ethiopia ay walaac aad u balaaran ka muujiyeen suurta galnimada in rabshado ay ka dhashaan doorashooyinka la qorsheenayo in Ethiopia ay ka dhacaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News