Wednesday, May 12, 2010

Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay


Cabdi Boqore, Taliyaha ciidanka Jandarmaariiga Djibouti ayaa gurigiisamaydkiisa laga helay iyadoo ay laabtiisa 4 xabadood ku taallo.


Taliyaha ciidamada Jandaarmaariiga ee Djibouti Cabdi Boqore ayaaxalay geeriyooday, waxaana maydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo dhowrxabadood ay laabta kaga yaalaan.
Ma cadda in taliyuhu isagu is dilay iyo in la dilay, laakiin warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in taliuhu is dilay.
Adan Rooble Cawaale oo ah siyaasi reer Djibouti ah, madaxna xisbilagu magacaabo PND ayaa VOA-da u sheegay in warar isqilaafsan ay ka soobaxayaan dilka Taliyaha. Adan wuxuu xusay in ehellada taliyuhu ay kashakisan yihiin in taliyaha la dilay.
Adan Rooble wuxuu xusay in baadhitaanka ay dowladdu wado ee ku saabsan dilka taliyaha uu yahay mid aysan dadku ku qancay.
Idaacadda VOA waxay isku taxalujisay inay la hadasho madaxda Djibouti, balse ma suuro galin.
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Adan Rooble Cawaale.

Source: VOA Somali

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News