Wednesday, May 5, 2010

Dibad baxyo xoogan ay wadaan Soomaalida ku dhaqan keyna oo ka socda Islii..


Xaafadda Islii ee magaalad Nairobi ayaa waxaa ka socda muharaadyo balaaran oo ay sameynayaan dadka waratada ah ee ku ganacsada daafaha wadooyinka xaafadda islii, oo ah halka Soomaalida ugu badan ay kaga noolyihiin caasimadda Nairobi.


Mudaharaadkan oo bilwday saakay ayaa waxa uu yimid kadib markii maalimihii ugu dambeeyay ay askar ka socota dawlada hoose ee magaalada Nairobi ay xaafaddda Islii kawadeen hawl galo ay ku burburinayaan goobaha waratada ganacsiga ka wadda hareeraha xaafadda Islii.

Mudaharaadkani ayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida wariyayaasha Bar-kulan Radio oo goob joog ah waxaa ka qeyb qaadanaya dadka waratada ah oo isugu jira Soomaali iyo qowmiyadaha kale ee Kenya oo iyaguna sidoo kale goobo baayac mushtara ku leh hareeraha wadooyinka xaafadda Islii.

Weli ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo mudaharaadkaasi ka dhashay, hase haatee dadka mudahaaradayada ayaa taayiro gubay, iyadoo sidoo kalana ay inta badan albaadada u xiran yihiin Xarumaha ganacsiga ee suuqa weyn ee gaarissa ee xaafadda Islii.

Sidoo kale, Dadka mudahaaradayay ayaa dhagax tuuray baaburta inta badan adeegsata wadooyinka Fist Avenue iyo Second Avenue oo ah wadooyinka ay inta badan adeegsadaan baabuurta mareysa xaafadda islii oo ah halka Xuddunta u ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Soomaalida ku dhaqan Kenya ayaa haatan waxaa soo foodsaartay xaalad amaan xumo taa oo ay ciidmada keyna ay kaga ashtakoonayaan ayadoona wali dadka halkaasi ku dhaqan ay sheegayaan in dibad baxaasi uu ka sii dhacayo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News