Saturday, May 1, 2010

Dhaq Dhaqaaqa Saaka Ka Jira Magaalada Dhuusamareeb iyo Shacab Farabadan oo Saaka Ka Firxanaya Magaaladaasi.

Xiisada colaadeed ayaa saaka lagasoo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb xarunta gobalka G/gaduud oo maalmihii lasoo dhaafay kusii qulqulayeen ciidamo kala taabacsan Al Shabaab iyo Ahlusuna Waljamaaca.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijinaya
in shacabkii ugu badnaa ay saaka ka baxsadeen magaalada kadib markii ay dareemeen dhiilooyin colaadeed oo kusoo wajahan magaalada.
Ciidanka Ahlusuna ee magaalada jooga ayaa feejignaan sare galay taas oo keentay in shacabku ka sasaan hubka iyo ciidanka lagusoo xoojiyay magaalada waxaana saaka firxanaya shacabka.
Wararka ayaa intaasi raacinaya in saaka albaabada loo laabay goobaha ganacsiga magaalada iyo Iskuulada waxbarashada, gaadiid xamuul ah ayaa saaka qoysas farabadan ku daad gureeyay Carruur iyo haween waxayna dadku gaarayaan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah.
Qoysas Dhuusamareeb ka cararay ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Tuulada Mareer Guur duleedka Dhuusamareeb, cabsidan ka aloosan magaalada ayaa timid kadib markii xoogaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay kumaan ciidan ku daad gureeyeen tuulooyi Dhuusamareeb iyo Guriceel ku xeeran.
Ciidamada Al Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in ay magaalada kusoo dhawaadeen waxaana xilli walbo laga cabsi qabaa in ay dagaallo ka dhacaan magaalada Dhuusamareeb oo bilaawgii sanadkan ay shabaabku dagaal ku galeen balse dib loogasoo saaray.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News