Sunday, May 23, 2010

Dagaalo iyo duqeymo qasaaro geystay oo Saakay ka qarxay Muqdisho

Dagaalo iyo duqeymo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawc soo gaaray dad rayid ah ayaa Saakay waxa ay ka qarxeen xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Waaberigii hore ee Saakay ayaa mar qura waxa ay dagaalo xoogan iyo duqeymo culus ka qarxeen xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dagaalada ayaa waxaa ay u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda KMG oo garab ka helayay kuwa AMISOM iyo  Al Shabaab oo Sherika ay mar jaal ahaan jireen, waxaana dagaalada barbarsocday Madaafiic xoogan oo ku soo dhacaysa meelo ka baxsan halka ay dirirtu ka socotay sida gudaha Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku hareeraysan iyadoona dagaalii iyo duqeymihii Saakay ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Inta la ogyahay ku dhawaad 10-ruux oo rayid ah ayaa geeryootay 25-kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaaladii iyo duqeymihii Saakay ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir


Dhinaca Kale xiriiro kala duwan oo aynu la sameenay Saraakiisha Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca si aan wax badan uga ogaano dagaaladii Saakay ayay inoo suuro galiwaysay in aan qadka taleefoonka ku haleelno.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Bariijiye Buhuuku ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM aysan wax lug ah ku laheyn dagaaladaasi isagoo sheegay in uusan la socon wax dagaal ah oo Saakay dhacay.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladii iyo duqeymii isbarbarsocday ee Saakay ka dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay saameyn xoogan ku yeesheen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha iyadoo sidoo kale dagaaladaasi ay saameyn xoogan ku yeesheen inta badan dhaqdhaaqii Ganacsi ee ka jira Suuqa Bakaaraha.
 

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News