Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, May 10, 2010

Dagaal Maanta Dhex Maray Labo Qaybood oo Kala Taageersan Muuse Suudi iyo Shiek Shirif

Waxaa Goordhaw magaalada Muqdisho ka bilaawday Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan ciidamo kawada tirsan maamulka Shirif oo kuwa sugan Madiina.


Saaka aroortii ayay Ciidan Dowldaa KMG ah katirsan Toogteen Taliye K/xigeenkii ciidanka Booliska gobalka Banaadir qaybta Galbeed oo lagu magacaabi jiray Cali Yare.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamo dowlada KMG ah katirsan oo maalmihii lasoo dhaafay isku hor fadhiyay Dharkeynleey ay saaka weeraro gaadmo ah ku dileen Taliye Cali Yare.
Ciidan katirsan Dowlada KMG ah oo qaab beeleed u abaabulan ayaa laxaqiijiyay in ay Weerar ku qorshaysan ku dileen Cali Yare Taliye K/xigeenkii Booliska Gobalka Banaadir horayna u ahaa Taliyihii ciidanka Muuse Suudi Madiina.

Xaaladda ayaa kacsan waxaana aargada iyo macmacaanka laga dareemayaa xiisada dagaal oo ay muujinayaan labada ciidan, rasaas ay labada dhinac iskusoo raacinayaan wadada ayaa samayn ku yeelatay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News