Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 13, 2010

Dadweynaha reer Somaliland oo maanta u dareeray qaadashada Kaadhka cusub






Dadweynaha ku dhaqan Somaliland, ayaa maantau dareeray qaadashada Kaadhadhka cusub ee codaynta, taas oo maanta kabilaabantay guud ahaan magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland.

Qaadashada Kaadhadhka cusub ee codaynta oo habsan ama ka daahdayqaar ka mid ah goobaha loogu talo-galay in Kaadhadhka laga qaato eemagaalada Hargeysa, ayaa haddana waxa Kaadhadhka laga qaadanayay ilaa337 goobood oo ka kala tirsan Deegaamada hoos yimaadda Gobolka Hargeysaama Maroodi-jeex.

Inkasta oo ay dhaliili ka timi dhinacaCiidamada Booliska oo sidii loo baahnaa aan uga hawl-gelin arrintaqaadashada Kaadhadhka, haddana Ciidamada Milatariga ayaa buuxiyayhalkaas, isla markaana ka hawl-galay goobaha kaadh-qaadashada.

Si kastaba ha ahaatee, qaadashada Kaadhadhkan ayaa inkasta oodeegaamada Somaliland aanay si sidii qorshuhu ahaa uga bilaabmin,haddana guud ahaan hawsha qaadashada Kaadhadhka cusub ayaa dadku safafu galeen deegaamada iyo magaalooyinka Somaliland.
Kaadhkan codaynta ayaa isugu jira Kaadhka codaynta iyo Kaadhka Jinsiyadda ama waddaninimada Somaliland.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News