Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, May 9, 2010

Dad ku dhintay Cerigaabo & rabshado halkaas ka dhacay.


Xaalada daganaan ah ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan xaaladadeegaanka Ceerigaab ee gobolka Sanaag maamulka Somaliland, ka gadaalmarkii rabshado geystay qasaare nafeed ay ka dhaceyn qeybo badan oo kamid ah deegaanadaasi.


waxaana la sheegay in ay salka ku hayaan rabshadaasi doorashooyinka laqaban qaabinayo in ay ka dhacaan gobolada maamulka la magac baxaySomaliland

Rasaas ay fureen ciimada ayaa la sheegayaa in 1-qof oo arday ah uu kugeeriyooday tiro kalana ay dhaawacmeen oo ay ku jiraana ardeydaasiwaxaana dadka magaalada Ceerigaabo ay sheegayaan in xaalada saakay aytahay mid dagan.

Dadka deegaanka iyo Salaadiinta ayaa ku eedeeyay rabshadaasi inuu kadambeeyo xisbiga talada maamulka Somaliland haya ee Udub ayadoona ay kusheeegaan in ay doonayaan in xoog ay ku muquuunshaan dadka deegaankaCerigaabo.


Guud ahaan xaalada deegaanka ayaa ah mid haatan dagan taa oo aysheegeen dadka deegaanka in ay ka danbeeyay dadaalo ay wadaan dadkadeegaanka Ururada kale ee mucaaradka ah oo ay kaga gadayaan dadkadeegaanka siyasadooda waxaana dhawaan la filayaan in doorashooyin xurah ay ka dhacaan guud ahaan deegaanada Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News