Tuesday, May 11, 2010

Dad guryahooda uga cararay roobab xoogan


Qaar ka mid ahdadka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa dhibaatoxoogleh oo dhinaca nolosha ay la soo daristay kadib markii roobablixaadleh ay ka da’een deegaanadaasi.

Iyadoohabeenimadii xalay roobabkii guda ay ka da’een deegaano farabadan oo katirsan gobolka Galgaduud ayaa roobabkaasi waxaa ay saameyn ku yeesheenqoysas ku dhaqan Magaalo madaxda gobolkaasi kadib markii guryo aydadkaasi ku jireen roobabku ay ku dumiyeen.

Roobabkaoo si xowli ah u socday islamarkaana ka wada da’ay deegaanada gobolkaayaa la sheegay in dadkii ku dhaqnaa Magaaladaasi ay intooda badanisaga soo baxeen Magaalada kadib markii guryahooda ay biyo ugu galeen.

Qaarka mid ah dadkaasi oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in marka hore ay Alle uga mahad celinayan raxmadii uu ku maneestay haseahaatee waxaa ay sheegeen in roobabkii xalay ku dul da’ay ay saameeynxoogan ku abuureen.

Waxaala sheegay in roobabkii halkaasi ka da’ay ay sababeen in ay xanibaanganacsigii degmada Dhuusamareeb kadib markii biyo aad u farabadan aygudaha u galeen goobaha ganacsiga halka kuwa kalana ay ay dumiyeen.

Waamarkii ugu horeeysay oo gudaha degmada Dhuusamareeb oo caradeedu aytahay mid dhagax ah ay shacabku roobab darted guryahooda uga cararaaniyadoo ilaa iyo haatan aanay jirin qasaare nafeed oo ay roobabkaasigeysteen.


Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News