Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 18, 2010

Cumar C/rashiid oo ka hor yimid go'aankii Madaxweynaha uu ku kala diray xukuumadiisa

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku gacan seyray go'aankii Shiriif uu ku kala diray Xukuumadiisa, isagoo ku tilmaamay hadalka Sheikh Shirif mid aan waxba ka jirin.



R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu wali yahay R/wasaare, isla markaana ay shaqeyneyso xukuumadiisa, waxaana uu sharci daro ku tilmaamay go'aankii Shiekh Shirif Shekh Ahmed.

"Xukuumadeyda ma dhicin wali waa shaqeysaaa, mana jirto xukuumad dhacday"ayuu yiri Cumar C/rashiid oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa, kadib kulan uu la qaatay Golihiisa Wasiirada.

Dr. Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeyay ay Mudanayaasha Baarlamaanka ay dooran doonaan gudoon cusub, wuxuuna xusay in xildhibaanada ay u codeyn gudoon cusub sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Golaha Wasiirada ayaa ku sugnaa guriga R/wasaaraha, iyadoo ay muuqata in dhamaan Golaha Wasiirada ay ku qanacsan yihiin hadalka R/wasaarahooda, waxaana goobta ka maqnaa kaliya Yuusuf Indhacade oo isgau la jaal ah Sheikh Shirif oo ay mar kawada tirsanaan jireen Maxaakiimtii ka koobnayd Al-itihad iyo Alislaax.

Dalkayaga@gmail.com

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News