Friday, May 28, 2010

Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay deegaanno

Wararka laga hellayo Goballka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca dib ula wareegeen deegaanno
 saakay Waabarigii hore gudaha u galeen Ciidamada  Al-shabaab kadib markii ay halkaa isaga baxeen Ciidamadii Al-shabaab.

Shiikh C/risaaq Al-ashcari oo ka mid ah Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada Mareer-gur, Ceeldheere, iyo waliba Galqoryaalle gacanta ku hayaan

Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna, waxaana uu intaa ku darray in xili ay deegaannadaa ka maqnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna gudaha u soo galeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo halkaa isaga cararay ayuu yiri markii ay maqleen guluf dagaal oo dhinacooda ku soo socda.

Waxaa uu intaa ku darray Al-ashcari in kooxda Al-shabaab yihiin koox sida uu hadalka u dhigay u adeegtay danaha Ururo kale oo Caalmi, sidaa daraadeed ayuu yiri ay qasab tahay in mar walba ay Warbaahinta u sheegaan in ay deegaano la wareegeen si loo qanciyo ayuu yiri kooxaha ay la shaqeeyaan.

Laakiin Guddoomiyaha Goballka Galgaduud ee Al-shabaab Yuusuf Shiikh Ciise Kabo-kutukade ayaa sheegay in saakay markii ay Ciidamadooda tageen deegaannada ay dib uga soo laabteen siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana uu intaa ku darray in Ciidamada Al-shabaab ee halkaa gaaray ahaayeen kuwo kormeer ah oo shaqadoodii soo dhameystay.

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Al-shabaab ayaa waxaa u dhaxeeya dagaal ku saleysan marka hoos ahaan loo eego dhinaca Diinta oo ay siweyn u kala fog yihiin, waxaana dhowr jeer oo



Dalkayaga@gmail.com
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News