Sunday, May 16, 2010

Culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca Oo Cambaareyay Duqeymaha Ay Ciidamada AMISOM u Gaysanayaan Dadka Rayidka Ah


Afhayeenka culimaa'udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi oo magaalada Muqdisho shir jaraa'id
ku qabtay ayaa waxa uu mar kale cambaareeyay duqeymaha culus oo ay ciidamada Midowga Afrika ku garaacayaan xaafadaha iyo goobaha dadka rayidka daganyahiin taasi oo sababaysa waxyeellada dad maato ah oo aan waxba galabsan.

Sheekh C/laahi C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin duqeymaha aan loo aabo yeelin oo laysku waydaarsanayo magaalada Muqdisho, wuxuuna eedda arrintaasi dusha uga tuuray ciidamada Midowga Afrika iyo xoogagga ka soo horjeeda dawladda oo uu ku eedeeyay inay inta badan is waydaarsadaan madaafiicda.

Afhayeenka culimaa'udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in duqeyn loo gaysto goobaha dadka rayidka aan wax natiijo ah lagu gaaraynin, wuxuuna soo jeediyay in la galo dagaal fool-ka-fool ah oo kooxaha uu ku tilmaamay khawaarijta looga saarayo magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Somaliya .

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News