Saturday, May 22, 2010

Ciidamada Amisom oo isku qaban qaabinya weerar.

Ciidamada Midoowka Afrika ayaa saaka waxa ay wadaan dhaqdhaqaaq kaasi oo ay ku donayaan in ay weerar ugu qaadaan woqooyiga magaalada Muqdisho ka dib markii ciidamada maxaakkimta ee Shiriifku xukumo laga qabsay fariismo ay ku lahayeen degmooyinka Shibis iyo Boondheere.


Dadka ku dhow dhow Bankiga ganacsiga ee Degmada Shangaani ayaa sheegaya in ciidamada Amisom saaka ay wadaan diyaar garoow, waxaana dadka ay sheegayan laga yaabo in saacadaha soo aadan weerar ay ku qadaan Woqooyiga magaalada Muqdisho.

Amisom ayaa had iyo jeerale qaada weerar marka ciidamada  KMG ah laga qabdo fariisamaha ay ku leeyihiin woqooyiga Muqdisho , waxaana jirta in ciidamada mucaardka ay ku dhow yihiin Isgooyska Juba ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Midoowka Afrika ayaa horay ilaa labo jeer weerar ku qaaday woqooyi Muqdisho ka dib markii mucaardka ay soo jabsadeen dhufeeysyada ciidamada Shairiifka iyadaoona labad jeerba ciidamada Midowka Afrika ay durjiyeen xoogaga mucaaradka ka dibna ku soo simay cdhufeeysyada ciidamada.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News