Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, May 4, 2010

Cambaarayn ka Dhan ah Kooxaha Mayalka Adag ee ka Dirira K/Soomaaliya

Xarunta Nabadda iyo Caddaaladda Soomaaliyeed waxay si wayn u cambaaraynaysaa sida waxashinimada ah ee ay kooxaha ka dagaalama waddanka Soomaaliya, gaarahaan, gobolada Koonfureed, dadka shacabka ah ee bir-ma-geeyada ah.




Isbuucii lasoo shaafay waxaa ay kooxda Alshabaab ay si sharci darro ah ay gacmaha uga goysay 57 dhibbane oo ay Alshabaab kusoo eedaysay inay diideen in ay gabdhooha ugu yaboohaan nimanka aajinibta ah ee ka garab dagaalama Alshabaab iyo xisbiyada kale ee mayalka adag.

Arrintan foosha xun ee kor ku xusan ayaa ka dhacday meelo kala geddisan oo ay ka mid yhiin: Kismaayo, Baydhabo, Xuddur, Jilib, Afgooye Muqdishu, iyo meelo kala duwan oo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Jubbada Dhexe.

Arrintan oo ah arin kasoo horjeedda gebi ahaan sharciyada adduunka oo uu ugu horeeyo sharciga Islaamka.
Waxaan dhaleeco dusha uga tuuraynaa Alshabaab, Xisbul Slaaam, Takfiir, Al islaax, Raaskambooni, iyo kooxaha kale ee arintan foosha xun kula kaca umadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Waxaan caalamka iyo khaasatan umadda Soomaaliyeed gaarsiinaynaa in il dheer lagu eego tacaddiyada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, khaasatan, dumarka iyo gabdhaha aan weli qaan gaarin ee ama si khasab loogu guuriyo dad ajaanib ah, amaba lagu kufsado guriyahooda iyada oo lagu abaal marinayo waalidkooda oo inta badan kasoo horjeesta ficiladan aakhiro seegga ah ee ay khooxahan kor ku xusan kula kacaan shacabka Soomaaliyeed.


Qoraalkan o English ah Halkan Akhriso


Abdirahman Takhal
Executive Director, Center for Somali Peace and Justice
cspaj@cspaj.org

1 comments:

  • Ducaale Max'ud says:
    May 4, 2010 at 10:45 AM

    Ma waxan baa Islaamnimo shaqo ku leh. Awalbaa waddinkii lagu wareejiyey Ajinabi. Haddana ma gabdhihii yaryaraa baa lagu wadaa.
    Illahay baa kasoo gaari doona, anig ma arko cid Soomaali ah wax ka qabanaysa.

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News