Monday, May 10, 2010

Burcad Badeedda Soomaalida Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Kuwa Kiimikada Qaada

Kooxaha burcad badeeda soomaalida ah ayaa afduub u geystay saacadahii la soo dhaafay markab nooca kiimikada qaada ah oo ay saaran yihiin 22-shaqale oo badankooda ka soo jeeda dalka India kaasoo ka soo shiraacday dalka Indiya kuna sii jeeday dalka Bilgimka.



Kooxaha burcad badeedda oo wata dooni dheereeya kuna hubaysan bambaanooyin iyo qoryo boobayaal ah ayaa gacanta ku dhigay markabkan kaddib markii ay gantaallo kuwa garabka laga tuuro ah la beegsadeen markabka, taasina ay keentay in kabtankii uu bakhtiijiyo mashiinka markabka.

Afhayeenka ciidamada midowga yurub John Harbour ayaa sheegay in ciidamada badda midowga yurub ay heystaan fursad ay ku badbaadin karaan shaqaalaha markabka saaran isagoo xusay in shaqaalaha ay ku jiraan qolka badbaadada, ayna suurto gal tahay inay sameeyaan hawl gallo ay ku badbaadinayaan shaqaalaha kuna soo furanayaan markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo Marida marguerite ayaa ku safrayay biyo ka baxsan biyaha bariga Africa, waxaana shaqaalaha saaran ay ka kooban yihiin 19-u dhashay India, 2-kasoo jeeda Bangaladesh iyo mid kale oo u dhasahay Ukraine, waxaana laga afduubay biyaha ka baxsan Soomaaliya.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News