Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, May 10, 2010

Alshabaab & Xizbiga oo xalay isku dagaalay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sida la sheegayo xalay ayaa waxaa iska horimaad kooban uu ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan Alshabab iyo Xizbul-islaam oo ku wada sugan deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.



Iska horimaadkaasi ayaaa la sheegayaa in uu ka danbeeyay ka gadaal markii xalay ay soo weerareen ciidamda  Alshabaab goob xaruun u ah Xizbul-islaaam oo la sheegayo in ay aheyd goob ay ku maxkamadeeyaan dadka deegaankaasi u barakacay waxaana la sheegaa in labada dhinac ay jiraan qasaara ka soo kala gaaray oo aan si toos loo ogeyn marka laga reebo 2-ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo dhaawac uu ka soo gaaray halkaasi.

ciidamda Xizbiga ayaa la sheegayaa in markii danbe ay ku soo rogeen deegaanka bandow kaa oo xalay ka dhaqan galay deegaanka waxaana saakay xaalada guud ay tahay mid dagan oo aan jrin wax dhaqdhaqaaq ah waxaana goobta xalay falkaasi uu ka dhacay laga dareemayaa kacsanaan.
 
Dad degan Ceelsha Biyaha ayaa xaqiijinaya inay uu muuqato in Xis Islam ay soo wajahday cabsi aad u wayn oo ugua imanaysa kooxda kale ee mayalka adag Alshabaab. Waxaa la arkayey gawaari waawayn oo sida ciidamo kuwaas ka huleelaya deganaas dagaalku ka dhacay. Mar aan waydiinay dad goob joog ahaa bal in ay noo caddeeyaan cidda lahayad gawaraadiaas, way ka gaabsadeedn saabo amaan dartood.
 
Dalakayaga@gmail.com
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News