Monday, May 31, 2010

Ahlusunna oo maamul u magacaawbay gobolka Shabeelaha dhexe


Kadib kulan ay maanta magaalada Muqdisho isugu yimaadeen qaar kamid ah odeyaasha iyo wax garadka kasoo jeeda gobolka shabeelaha dhexe iyo culumaa’udiinka Ahlusunna waljameeca
ayey isku afgarteen in gobolkaasi loo magacaabo maamul hoostaga culumada Ahlusunna-waljameeca oo loogu magac daray maamulka dib u xoreynta gobolka shabelaha dhexe.
Maamulkan cusub ayaa gudoomiye looga dhigay Sheekh dahir Cadoow Calosoow oo hore u ahaa gudoomiyaha midowga maxkamadaha islaamiga gobolka Shabelaha dhexe, kahor inti aysan la wareegin gacan ku heynta gobolka kooxda Shabaab.
Gudoomiyaha cusub ee maanta la magacaabay oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka siineysa dagaalka ay kala hor tagayaan mintidiinta Shabaab.
Gobolka shabeelaha dhexe ayaa hadda waxaa gabi ahaantiisba gacanta ku haya Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda KMG iyo Ahlusunna-waljameeca.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News