Tuesday, May 11, 2010

Aadan Madoobe “Ma furmayo fadhiga Barlam


GudoonkaBarlamanka KMG ayaa Maanta sheegay in aan la furi KarinFadhiga Barlamanka KMG iyo inaysan jirin xildhibaano dhex dhexaadin kadhex wada mudanayaasha Barlamanka.

Gudoomiyahagolaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo kadib kulan ay ku yesheen gudiyada Barlamanka ee Xarunta MadaxtooyadaSaxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu ka warbixiyay halka uu ku dambeeyayfuritaankii fadhiga Barlamanka.

Waxaauu sheegay gudoomiyaha in gudiga Maanta ay isku afgarteen maadaamnadhowr jeer oo hore la iclaamiyay xiliga uu dhacayo fadhiga Barlamankahadana uu baaqday aan lagu deg degi Karin sidaa darteedna ay codsadeengudiyadii Barlamanka in loogu daro labo maalmood si ay ugabaaraandagaan xiliga kama dambeysta ah ee uu furmayo fadhigaBarlamanka.

Dhankakale Mar uu Sheekh Aadam Max’ed Nuur madoobe ka hadlayay waxaa uu kaogyahay gudi loo magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan xildhibaanad iskhilaafsan ayaa waxaa uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn gudigaasibalse uu maqlay oo kaliya xildhibaano iskood isku xil qaamayislamarkaana ku dhex jira Barlamanka taasina ay tahay sida uu sheegaymid wanaagsan laakiin uusan ka war qabin gudoonka Barlamanka.

Hadalkagudoonka Barlamanka KMG ayaa imaanaya xili wali aan xalloo helin xalinta khilaafka Mudanayaasha Barlamanka wallow Dhawaan Shikh Shuriif Sheekh Axmed uu sheegay in la dhameeyaykhilaafka Barlamanka.
Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News