Monday, May 3, 2010

6 Caruur Oo Soomaali Ah Oo Ku Geeriyootay Guri Ku Dumay Magaalada Jidah

Lix Caruur ah oo dhalashadoodu tahay Soomaali ayaa ku Geeriyooday halka 18 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu ku soo dumay guri ka kooban sadex dabaq oo ku yaala magaalada Jiddah ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.


Wargayska The Saudi Gazette ee ka soo baxa Dalka Sacuudiga ayaa ku waramaya in masiibadan oo dhacday xalay ay sidoo kale jiraan in ka badan 24 qof oo ku dhex jiray dhismaha guriga xilliga uu soo dumayay, waxaana ku noolaa sadex qoys oo Soomaali ah sida dadka deegaankasi ku warameen.

Wargayska The Saudi Gazette oo ka soo baxa magaalada Riyaad ayaa lagu qoray in 18ka dhaawacantay ay toban kamid ah yihiin shaqaale ka tirsanaa bulshada rayidka, shan ka mid ahna ay xaaladooda caafimaad liidato.

Kooxo badbaadiyaal ah ayaa wada howlo lagu baadigoobayo dad la rumaysanyahay inay ku hoosjiraan burburka, sida ay warbaahinta dalkaasi shegayaan.

Burburka dhismahan ayaa loo aaneenayaa inay ugu wacnayd fuustooyin waawayn oo lagu kaydsado biyaha oo la saaray saqafka kore ee dabaqa, waxaana ay ka tirsantahay goobtan burburtay deegaanka Al-Sahifah oo intabadan ay dagaan dadka ajaanibta ee danyarta u badan.

Warbaahinta dalka sacuudiga ayaa ku waramaya in biyo yari xoogan oo ka taagan deeganka awgeed ay dadka ku dhaqan degaankaasi ay fuustooyinka biyaha ay u adeegsadaan inay kor saaran saqafka kore ee guryahooda taasi oo mar marka qaar sababta dhibaatooyinka noocan oo kale ah .

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News