Thursday, April 29, 2010

Xoogagga Ahlu Sunaah iyo Shabaab oo Mar Kale Ku Dagaalamay Galguduud


Wararka aanu ka helayno Degmada Guriceel ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu hada ka soconaayo deegaan ku dhow degmada Guriceel oo lagu magacaabo Ceel-Baxyo, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Al-Shabaab.


Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inay labada dhinac isku adeegsanaayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiil u hadlay Al-Shabaab ay sheegteen inay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaas.

Saraakiil u hadashay Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyagu weerarka ku qaadeen halka uu dagaalku ka bilowday ayna hadda gacanta ku hayaan, waxayna ay sheegeen in ujeedadoodu ay tahay inay qabsadaan degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Teer iyo markii ismaandhaafka xoogan soo kala dhex galay madaxda ururka Ahlu Sunna kaasi oo ku aadanaa ku biiritaanka dowlada waxaa gobolada dhexe gaar ahaan gobolka Galgaduud ka sii wiiqmaysay awoodooda waxaana ugu wacan baa la sheegay in ciidamadii halkaasi ku sugnaa qolo waliba ay ku noqotay deegaanadii ay markii hore ka yimaadeen Sida Caabudwaaq Xeraale iyo deegaano kale oo badan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News